Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Kaabista Iyo Wax-Kabedelka Xeerka Liisamada Ganacsiga Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii maanta ee golaha wakiillada Somaliland oo uu shirguddoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane Baadhe Maxamed Faarax ayaa xildhibaanada golahaasi waxay meel mariyeen xeerka liisamda ganacsiga, kaas oo ay wax ka badal iyo kaabis ay ku soo sameeyeen.

Xildhibaannada ayaa cod u qaaday xeerkaasi, iyaga oo ay ogolaadeen 21 xildhibaan, afar xildhibaanna ay diideen, waxa ka aamusay 8 xildhibaan, guddoomiyuhuna ma uu codeyn, sidaas ayay ku meel mariyeen xildhibaannadu xeerkaasi liisamada ganacsiga dalka.