Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Beenisay in Khilaaf u Dhexeeyo Wasiirka iyo Wasiiru Dawladaha wasaaradaas

Hargeysa – (warsoor) –  Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa maanta oo Isniina ah War-saxaafadeed ay ku beeninayso war been abuur ah oo wargeysyadda dalka qaarkood ay baahiyeen oo lagu sheegay in khilaaf xaga awooda ahi uu u dhexeeyo wasiirka iyo wasiiru dawlaha wasaaradda Arimaha Gudaha.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Jamaal Cabdi Muxumed ayaa u dhignaa sidan:

afhayeenka wasaaradda Arimaha gudaha

“Adiga  oo ku  hadlaya   afka  Wasaarada Arrimaha  Gudaha  Somaliland  waxaan  war-saxaafadeedkan  kaga  jawaabayaa War  been  abuura  isla  markaana aan  sal iyo  raadtoona  lahayn  Kaasi  oo  laga  qoray   wasaarada arrimaha gudaha.

Warkan  been  abuurka   ah  oo  kusoo  baxay  qaar kamida  wargaysyada iyo  mareegaha  maalintii  shalay  ee  lasoo  dhaafay.

Kaasi oo sheegayey  in    Wasiirka Wasaaarada Arrimaha Gudaha  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) iyo Wasiiru  dawlada  Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Aminiga Maxamed Muuse Diiriye  ay  isku  maan dhaafsan yihiin    magacaabista  Gudoomiya  Degmada  Daara Salaam oo  dhawaan  Wasiirku  Magacaabay.

Waxaan  shacbiweynaha  Somaliland  halkan  uga  caydaynayaa  inaan   warkaasi  waxba  kajirin  oo uu  yahay  mid  been buura  sal iyo raad toona  aanu  lahayn.

Sida uu  dhigayo  Xeerka  Gobolada Iyo Degmooyinka  Somaliland  ee Xeer Lr.23/2002 waxa uu  awood  buuxda siinayaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha  Guduhu  inuu  magacaabi  karo    xilkana ka  qaadi  karo   dhamaan  Dudoomiyeyaasha Degmooyinka.

Sidaasi  darteed  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  24/22/2016  isaga  oo  tix raacaya Qodonka18aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka  iyo qodobadda 110aad iyo 111aad ee Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waxa uu  u magacaabay  Gudoomiyaha  cusub ee Degmada  Daarasalaam Inuu Ahaado Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed.

Waxaa wax  laga yakh-yakhsoodo ah  in  beryahan  danbe  warbaahintii dalku   noqotay  mid  quud ka  dhigata  xasaradda  abuurka  iyo  qorida dacaayadaha  kutiri-kuteenka ah  ee  makhaayadaha  dadka  milaa camalka  ahi  kaga  yeesheeyaan.

Ugu  danbayntii  waxaan  dhamaanba  wargaysyada iyo dhamaanba mareegaha   halkan  uga soo  jeedinayaa  inay  ka  feejignaadaan  oo iska  hubiyaan   wararka  aan  xaqiiqa  ku  salaysnayn  ee  kutiri-kuteenka ah.

ALLAA MAHAD LEH

Jamal Cabdi Muxumed

Afhayeenka wasaaradda Arimaha Gudaha

Jamhuuuriyadda Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.