Wasaaradda Amniga XFS oo beenisay iney Muqdisho kala xiran tahay,ayna wadaan Qorshe dib u habeyn oo lagu xoojinayo Amniga

Muqdisho – (warsoor) – War ay soo saartay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ciidamada qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaalka weyn iyo nafhurnimo ay ku badbaadiyeen nolosha dadweynaha kagana hortagay falalkii argagixiso ay kooxaha nabad diidka ah ay isku dayeen iney fuliyaan.

Sidoo kale,wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho,waxaana Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay,waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.

  Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha:-

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay bogaadineysaa Ciidamada Amniga qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaal weyn iyo naf-hurnimo ay ku badbaadiyeen Nolosha Dadweynaha, kana hortegay falalkii argagixiso ee kooxaha Nabad-diidka ah lsku dayeen inay fuliyaan.

Wasaaradda waxay shacabka Muqdisho la wadaageysaa inaysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse Wasaaradda Amniga Gudaha waxay wadaa qorshe dib u habeyn ah oo Ciidamada Amniga ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka Muwaadiniinta, kuna fududeynayaan isu socodka Bulshada iyo Gaadiidka Caasimadda.

Sidoo kale waa waxba kama jiraan in Magaalada Muqdisho kala xiran tahay, taasoo ah dacaayad been abuur ah. Ujeedka Wasaaiadda Amniga iyo qorshaha xukuumadda Soomaaliya waa in Muqdisho ay noqoto Magaalo nabdoon, iyadoo Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda u taagan yihiin xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga falalka amni darro.

Waxaan shacabka ka codsaneynaynaa inay Ciidamada la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan sugidda ammaankooda, iyagoo xusuusan in Ciidamada Qalabka Sida ay Har iyo Habeen u taagan yihiin wadooyinka  in Muwaadinku  helo  Nabadgelyo.

Ugu dambeeyn, Waxaa la farayaa Ciidamada inay muwaadiniinta ula dhaqmaan si ay ku jirto xaqdhowrid, ixtiraam iyo u dhimrin

Mahadsanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.