Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada Somaliland oo Daah-furtay Xeerar Muhiim ah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa maanta daah-furtay shir lagu soo bandhigay saddex xeer oo lagu dhiqi doono shirkadda Isgaadhsiinta.

Wasaaradda ayaa sheegtay in la sameeyey saddex xeer oo kala ah: 1. Xeerka Kormeerka Taawadda, 2. Xeerka Diwaan-galinta Simcard-yadda, iyo 3. Xeerka Ruqsadda Isgaadhsiinta.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa sheegay in bisha Augusto ay shirkadda Somaliland bilaabi doonaan inay simcard-yadda la bixin doono lagu diwaan-galin doono kaadhka aqoonsiga dhalashadda, ama baasaboor ama laysan gaadhi.