Wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland oo kulan lagu dar dar galinayo Dakhliga Cashuurta u qabtay Maamuleyaasha Nootaayooyinka Sharciga ah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulan oo sedex geesood ahaa oo ay isagu yimaadeen masuuliyiinta wasaaradaha cadaalada maaliyada iyo mulkilayaasha nootaayooyinka sharicga ah ayaa ujeedadiisu ahayd sidii nootaayooyinku gacan uga gaysan lahaayeen soo xeraynta dakhliga kala wareejinta gaadiidaka.

Wasiirka ku xigeenka wasaaada maaliyada Muuse Ibraahim Yusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta nootaayooyinka shaciga ku booriyay sidii ay xil isaga saari lahaayeen soo xeryanta dakhliga kala wareejinta taasoo muhiim ah kobcinta dakhliga.

Wasiirada wasaaradaha cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed iyo maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo yaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada kulankan xog is weydaarsiga ah iyaga oo tilmaamay in la doonayo in la laban laabo wada shaqaynta labada dhinac isalamrkaa ay shaqadooda ku dabaqaan daruusta laga baranayo kulankan.