Warshadd Daqiiqda soo saarta oo laga Hirgeliyay Magaalada Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,  laga hirgeliyey warshad weyn oo soo saarta Daqiiqda taasi oo wax soo saarkeedu ku filan yahay Somaliland iyo dhammaanba deegaannada Soomaalidu degto oo dhan sida la sheegey.

Daqiiqdii ugu horraysay ayey soo saartay waxanaa isla maanta lagu kala iibsaday magaalada Berbera.

Waxaaney wax-soo-saarka warshadii wax badan ka tari doonta, daqiiqdii dalka dibadiisa waddanka ka soo gelayay.