Somaliland Tirada Dadka Qaba Covid-19 oo Kordhay iyo Kiisas cusub ee Maanta ku soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in lix qof oo cusubi ay ku soo bireen tiradii hore ee xannuunka Covid-19, tiradda guudna ka dhigeysa 56 qof.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shaaca ka qaaday in 6 qof ee xannuunka laga helay 4 ka mid ahi ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, halka 2 kalena ay ku nool yihiin magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. taasi oo tirade Dadka uu Xanuunku soo ritay gudaha Somaliland ka dhigaysa 54.

Xanuunka Covid19 ilaa hadda waxaa u dhintay 5 qof, waxaa ka bogsaday 7 qof. Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in lixdan qof mid ka mid ahi uu yahay ajaanib islamarkaana uu u dhashay dalka Bagaladhiis.