Warar is-khilaafsan oo laga werinayo xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un

PYONGYANG – (WARSOOR) – Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato.

This undated picture released from North Korea’s official Korean Central News Agency (KCNA) on February 29, 2020 shows North Korean leader Kim Jong Un attending a meeting of the Political Bureau of the Central Committee of the Workers’ Party of Korea. (Photo by STR / KCNA VIA KNS / AFP) / – South Korea OUT / —EDITORS NOTE— RESTRICTED TO EDITORIAL USE – MANDATORY CREDIT “AFP PHOTO/KCNA VIA KNS” – NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS / THIS PICTURE WAS MADE AVAILABLE BY A THIRD PARTY. AFP CAN NOT INDEPENDENTLY VERIFY THE AUTHENTICITY, LOCATION, DATE AND CONTENT OF THIS IMAGE — /

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April.

Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan.

Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April.

CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay.

Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa ku gacan seeray warbixinta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qalliin maray iyo in kale.

Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qeybta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ayaa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulufada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi.