Wakiilka Turkiga U Qaabilsan Somaliland Oo Ka Hadlay Inqilaabkii Dalkiisa ka dhacay 2016-kii.

Hargeysa – (warsoor) – Wakiilka Turkiga ee Somaliland oo shirjaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa caasimadda Hargeysa oo waramay dhacdada inqilaabkii fashilmay ee dalka Turkiga ayaa sheegay Inqilaabkaasi inay ka dambeeyeen xubno kamid ah kooxda lagu magacaabo FETO kuwaas oo uu ku sheegay Urur Argagixiso ah oo uu hogaamiyo Fatxullah Gullaan,  waxa uu sheegay 15-kii Jullay 2016 in dalka Turkiga lagu soo qaaday weerarkii  argagixiso ee ugu xumaa abid.

Mr Cali Nayan ayaa sheegay in Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka, Sirdoonka qaranka, Booliska, in lagu soo qaaday weeraro loo adeegsaday Taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyadoo habeenkaasi la dilay 251 qof oo shacab ah, in ka badan 2,000 oo shacab ahna lagu dhaawacay weerarkaasi.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga ayaa intaa ku daray in dhammaan dadkii ku lug lahaa Afgambigii fashilmay ee ka dhacay 15-kii Jullay 2016 Turkiga in cadaaladda la horkeenay iyadoo lagu daba jiro intii kale ee fakatay, iyadoo beesha caalamku ogaatay in ururka FETO aanu ahayn mid u addeega arrimaha bulshada balse leh ujeedooyin kale oo siyaasadeed iyadoo laga eryay  wadamo badan oo ay ku sugnaayeen xubnaha ururka Feto.