Wasiirka arrimaha gudaha JSL iyo wefdiga uu hogaaminayay ee ku sugnaa Ceel-afweyn

Ceel-afweyn – (warsoor) – Wasiirka arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in isaga iyo xubno wasiiro ah oo uu hogaaminayo in muddo ah ku sugnaayeen Ceel-afweyn kuwaas oo u joogay arrimaha Nabad gelyada deegaankaasi, wasiirka ayaa sheegay in muddo laga shaqaynayay soo qabashada gacan ku dhiiglihii ugu horeeyay ee sababay inay Colaaddu ka dhacdo deegaanka Fadhi-gaab.

Wasiirka arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in lasoo qabtay gacan ku dhiigliha falkii ugu horeeyay gaystay iyadoo Beesha uu kasoo jeedana  ay xukuumadda kala qayb qaadatay qabashaddiisa, waxana hawl galkaas fuliyay Ciidamada qaranka ee JSL ee nadabyta u fadhiya deegaanka Fadhi-gaab.

Wasiirka ayaa ku baaqay inay cidwalbaaba Nabad gelyada Ilaaliso una soo diyaar garawdo Garteeda iyo waxa ay sheeganayso.