Hargeysa – (warsoor) – Xoghayaha golaha wakiiladda Soomaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ku adkeeyey inay 02 August0, 2017 cabaaro 9:30 subaxnimo ay ka soo xaadiraan fadhi muhiim ah oo golahu yeelanaayo maalinimadda Arbacadda.
Xoghayaya golaha ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo ujeeddada kulanka. Balse waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiiladda Dr. Cali Yuusuf, waxaanu shaaciyey in goluhu bari ay ka guddoomi doonaan istiqaaladda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Cirro.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Channelka Somali Eye:
This post is also available in:
Somali