Guddoomiye Cirro oo Kulan Aan Loo Kala Hadhin oo Qado Sharaf ah La Qaatay Cuqaasha iyo Odeyada Ka Soo Jeeda Beelaha Ciise Muuse Galbeed

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hotel Maamuus ee magaalada Hargeysa, waxa uu kulan ballaadhan oo qado sharaf ah uu ugu sameeyey Cuqaasha, odeyada, iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha Ciise Muuse Galbeed ee Aadan iyo Abokor ba oo aanay cidna u kala hadhin dhammaan Madax-dhaqameedkoodii oo idil.

Kulankan, ayaa guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI, Cuqaal iyo Madax-dhaqameed kale oo aad u tira badan, ayaa ay labada dhinac ba iska xaal waraysteen xaaladda guud ee dalka iyada oo ay si weyn isu la falan-qeeyeen sama-tabaxinta dalka iyo siddii loo badbaadin lahaa oo ay isla qireen in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga ugu habboon ee maanta lagu aamini karo talada dalka sida oo kale na horumar iyo ictiraaf ba gaadhsiin kara qaranka Somaliland.

DAAWO, Muuqaalka Warkaas:

https://www.youtube.com/watch?v=D1-YwlBB1Hk&feature=youtu.be

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.