Wakaaladda Qurbajooggu waxay ugu baaqaysaa jaalliyadaha Somaliland inay fadhiga ka kacaan oo kala soo qaybgalaan dawladda JSL gurmadka abaaraha

Burco – (warsoors) – Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo sii wadda kormeerka qiimaynta xaaladda abaarta iyo xoojinta qaylo dhaanta gurmadka abaaraha gaar ahaan gobollada bariga Somaliland ayaa wajigii 2aad ee hawlgalkan ku soo martay degmada Gar-adag iyo deegaanno hoos yimaada sida Sin Carro, Faraguul, Gawsaweyne, Qoridheere, Badweyn, dhulka Bancadde iyo Saraar, degmada Qorilugud, degmada Adhicadeeye iyo deegaanno kala duwan oo hoos yimaada degmadaas iyo Laascaanood xarunta gobolka Sool. Sidoo kale, Gudoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu kormeerkan ku soo maray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobollada Saraar, Togdheer iyo Daad Madheedh kana mid yihiin Yagoori, Oog, Ceeldhaab, Caynabo, Wadaamagoo, Qoryaale, Ceel Bilcille, Ceel Same iyo Odweyne.

Dhammaan deegaannadan sare waxay ka simanyihiin xaaladda abaarta iyo cawaaqibkeeda xagga xaalufka, xoolaha le’anaya iyo kuwa abaartu liciifisay ee aan soconayn, biyo yaraanta oo gaar ahaan deegaannada bariga Gar-adag, Saraar iyo hawdka Oodweyne oo gudiyada gurmadka abaarta iyo bulshadu ugu baaqayaan dawladda iyo daneeyaaasha oo dhan in la xoojiyo gurmadka gaar ahaan xagga biyo dhaanka.

img_0017

Waxa jirta in bulshooyinka deegaannadan sare ku sheegan oo inka badan 90% si toos ah nolooshu ugu tiirsanayd xoolaha nool aanay haatan waxba uga iib galayn ama si kale manfac uga helayn taasoo saamayn taban ku yeelatay noloshooda. Deegaannada qaarkood ayaa goobo tuulooyinka ama biyo u dhaw iyo meelo aan lahaynba la isugu ururiyay dadka xoola dhaqatada ahaa ee abaaraysan oo dumar iyo carruur u badan kuwaas oo xoolo xaymo aan socod lahayn haysta kuwaas oo qaarkood xoolihii u hadhay loo hayaamiyay deegaanno fog. Deegaannada qaarkood ayaa soo jeedinaya in laga caawiyo in xoolaha loo daabulo meelaha haatan roobabku ka da’een haddii aan calaf halkooda loogu heli karayn iyagoo ku sababaynaya in dadku ahaa noole noole ku nool.

Deegaannada badankooda waxa la gaadhsiiyay gurmad raashin kooban, waxanay guud ahaan bulshooyinkani codsanayaan in isha lagu hayo xaaladooda lagana caawiyo baahiyaha xagga raashinka iyo biyahaba.

Dhinaca kale, sida ay ka warbixiyeen gudiyada iyo odayaasha degaannada iyo degmooyinka abaartu haleeshay ee Wakaaladdu soo martay waxay dadku aad u tabayaan doorka jaalliyadaha Somaliland iyo qurbajoogga oo caan ku ahaa u gurmadka dadkooda marka dhibaatooyinkan oo kale yimaadaan balse maanta inta badan ka maqan gurmadka abaaraha ee xagga biyo dhaanka, raashinka iwm.

Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland waxay ugu baaqaysaa jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka ku baahsan inay fadhiga ka kacaan oo kala soo qaybgalaan dawladda gurmadka abaaraha lagu badbaadinayo nolosha bulshada

Wakaaladda Qurbajooggu waxay bogaadinaysaa jaalliyadaha qaarkood oo iyagu haatan ku hawlan is abaabul xoogan iyo shirar dhaqaale ururineed ay kaga soo qaybgalayaan gurmadka abaaraha Somaliland.

Waxan Ilaahay ka baryaynaa inuu raxmadiisa iyo roobka loo oomanyahay dad iyo xoolaba innoo shubo.

Source: Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

sldiasporaagency@gmail.com

30th Nov, 2016, Burao

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Wakaaladda Qurbajooggu waxay ugu baaqaysaa jaalliyadaha Somaliland inay fadhiga ka kacaan oo kala soo qaybgalaan dawladda JSL gurmadka abaaraha

burco – (warsoors) – Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo sii wadda kormeerka qiimaynta xaaladda abaarta iyo xoojinta qaylo dhaanta gurmadka abaaraha gaar ahaan gobollada bariga Somaliland ayaa wajigii 2aad ee hawlgalkan ku soo martay degmada Gar-adag iyo deegaanno hoos yimaada sida Sin Carro, Faraguul, Gawsaweyne, Qoridheere, Badweyn, dhulka Bancadde iyo Saraar, degmada Qorilugud, degmada Adhicadeeye iyo deegaanno kala duwan oo hoos yimaada degmadaas iyo Laascaanood xarunta gobolka Sool. Sidoo kale, Gudoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu kormeerkan ku soo maray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobollada Saraar, Togdheer iyo Daad Madheedh kana mid yihiin Yagoori, Oog, Ceeldhaab, Caynabo, Wadaamagoo, Qoryaale, Ceel Bilcille, Ceel Same iyo Odweyne.