Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Somaliland Oo Magaaladda Wajaale Soo Gaadhsiiyey Wariyihii HCTV Ee Magalaada Jigjiga Ku Xidhnaa

Jigjiga – (warsoor) – Wafti  balaadhan  oo uu  hogaaminayo  Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane  Cali  Maxamed Waran Cadde   oo  ay  wehelinayaan  Wasiirka Wasaarada Warshadaha,  wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknolojiyada, iyo Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada ayaa magaalada Wajeele  usoo galbiyey  wariye mukhtaar oo in  mudo ahba  ku  xidhnaa magaalada Jigjiga.

Wariyahan  oo  ay ciidamada liyuu Boliska  ka Qaateen  magaalo xadeedka wajaale  ayaa  muddo  ku  xidhnaa magaalada  jigjiga kaasi  oo  waftidu  ay  kala  hadleen siidayntiisa  madaxweynaha  iyo  madaxda dawlad deegaanka   somalilada  ee Ethiopia.

IMG_3679

wariye  Mukhtaar  oo ka mida  shaqaalaha   HCTV ayaa   galabta   iyada oo  ay  galbinayaan  waftida wasiirada ahi  si  diiran   dadweynuhu  ugu  soo  dhaweeyeen  magaalda wajaaye halkaasi  oo  ay   dadweyne  badan  oo in   muddo  ahba sigaayey  soo  deynta   Mukhtaar  ku  qaabileey   farxada sacab  iyo  shucuur   aad u  saraysa .

Wariye mukhtaar ayaa  sheegay  in    ciidamada iyo madaxda dawlad deegaanku  ay  si  wanaagsan  ula dhaqmeen   intii  u ku  xidhnaa  jigjiga  dhinaca  kale wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland  oo  magaalada wajaale  kula hadlay  dadkii  soo  dhaweeyey    wariyahan  ayaa sheegay  inay  maanta  farxad  u  tahay   isla  markaana   ay  maanta   reer wajaaye  iyo   shacbiga  gabileyba  ay  ka guddoomaan   wariye  mukhtaar oo  in  badan  warbaahintu   ku  wareerisay  soo  dayn tiisa.

IMG_3776

Isku  soo  wada duuboo Waftidan ayaa mudadii  ay  ku  sugnaayeen    Dawlad Deegaanka  Somalilada Ethiopia   waxa ay  shirar  la qaateen  Madaxweynaha  Dawlad deegaan  Iyo  waliba golaha wasiirada ee  maamulkaasi.

Kulamadan  ayaa  aad loogaga wada hadlay    siidaynta   maxaabiista ku  xidhan  jeelasha ee u  dhashay  Somaliland  oo  ugu  horeeyey Wariye Mukhtaar iyo sidoo  kale  xoojinta  xidhiidhka  labada dale e dhinaca amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.