Wafti Culus Oo Ka Socday Madax-dhameedka Beesha Garxajis Oo Si Mugle Loogu Soo Dhaweeyey Deegaanka Xariirad

Xariirad – (warsoor) -Wafti culus oo ka socday Hoogaanka Dhaqanka ee Beesha Garxajis ayaa si mugle loogu soo dhaweeyey Deegaanka Xariirad ee Gobolka Selel. Waftigan oo ka koobnaa Salaadiin,Ugaasyo iyo Cuqaal ayaa ujeedada Socdaalkoodu daaranayd sidii ay Bulshada Deegaanka Xariirad ugala xaajoon lahaayeen Xidhiidhka dhaqan ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Beelaha Deegankan iyo Beeshooda Garxajis.

Madax-dhaqameedka iyo Bulshada Deegaanka Xariirad ayaa dhankooda soo dhaweyn mugle iyo qalbi furan ku qaabilay Waftigan dhaqan ee deegaankooda kusoo booqday.

Sooryo iyo soo dhaweyn kadib Hogaanka dhaqanka ee labada Beelood ee Garxajis iyo Ciise ayaa shir weyne mugle jilbaha isku dhigay Geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,halkaas oo labada dhinac ay kaga wada hadlaayeen xidhiidhka dhaqan iyo Tolniimo ee labadooda beelood ka dhexeeyey mudada dheer ,Iyagoo isla markaasina madasha iskula qaatay.

Gabagabadii Kulankan ayaa waxa ay Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Garxajis iyo Ciise iskula qaateen sidii ay u xoojin lahaayeen isla markaana ay kor ugu qaadi lahaayeen Iskaashiga labadooda beelood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.