Wafdi uu horkacayay gudoomiyaha maxkamadda sare oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

Cadaado – (warsoor) –  Wafdi uu hogaaminayay Gudoomiayaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa waxaa qayb ka ahaa Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Calidaahir iyo mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno ka tirsan wasiirada Galmudug.
Wafdiga Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa kulan la qaatay madaxda Galmudug, kaas oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa adeegga garsoorka iyo nidaamka cadaaladda.
dsc00606-640x360
Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in  socdaalkooda maanta ay magaalada Cadaado ku soo gaareen uu la xiriiro sidii loo tayayn lahaa nidaamka cadaaladeed ee Galmudug.
Gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo ciidamada Booliska Galmudug, iyagoo hawlwadeenada ka dhagaystay baahiyada ay ku shaqeeyaan.
Ibraahi Iidle Sulayman gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inay qalab iyo gaadiid ugu deeqeen garsoorka Galmudug dhawaana uu soo gaari doono, taageero kalena ay siindoonaan.
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay hay’adaha cadaaladda Federaalka la kaashanayaan sidii loo xoojin lahaa nidaamka cadaaladeed ee Galmudug oo ah mid curdan ah.
Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.