Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Booqday Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud

Galgaduud – (warsoor) – Wafti ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gamudug, waxaana ku wehlinayey Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed, Cabdulahi Salaad Oomaar, Xubnahaan ka socday Qaramada Midoobay, ayaa waxa
ay kormeer ku tageen Meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareb kuwaas oo Calaamaysanayey Halkii ay ka dhisan lahaayeen Xarunta UN-ka ee Magaalada Dhuusamareb.

Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug oo Waftigaan ku soo dhoweeey Magaaladda Dhuusamareb ayaa ugu baaqay inay wax ka qabtaan Maamulka Galmudug si loo hormariyo Adeegyada Bulshada Deegaanada Maamulkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad Oomaar, ayaa waxa uu balan qaaday inay wax ka qaban doonaan dhismaha iyo Qalabaynta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareb, waxuuna xusay inay dib u dayactir ku samayn doonaan Xaruntii Wasaaradda Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Qaybteeda Gobolka Galgaduud,  kuna taala Magaalada Dhuusamareb.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.