Waasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud Oo Kulan Xog Wareysi Ah La Yeeshay U Qaabilsanaha Somaliland Iyo Somaliya Ee Haayada UNICEF

Hargaysa – (warsoor) –  Wasiirka wasaarada arrimaha  Gudaha  Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  (Faratoon) iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amb. Cabdi Fataax Siciid Axmed   ayaa   maanta  kulan  xaasaasiya  la yeeshay    U Qaabilsanaha Somaliland  Iyo Somaliya iyo geeska Africa  Ee Haayada UNICEF Mr Steven Lauwerier  oo   fadhigiisu yahay   magaalada Nairobi ee dalka  Kenya.

Kulan  ayaa lagaga wada hadlay   mashruuca ay  haayadani  gacanta ku hayso  ee dhimashada  iyo dhalashada  caruurta  yaryar   kaali  oo  ka  socdal  lix  demo  halka imika lagu  daray  4 Degmo  oo  kale .

Ugu  horeyn  agaasimaha guud ee wasaarada  Arrimaha  Gudaha  Amb. Cabdi Fataax Siciid Axmed    ayaa  ka waran   mashruucan  iyo  waxtigii  la   bilaabay  iyo ilaa hada goobaha uu ka socdo “Aniga oo  sharaxaad  guud kabixinaya  mashruucan  Dhalashada iyo    dhimashada  caruurtu waxa uu bilaabmay  2013kii  isagoo wakhtigaasi  ku  bilaabmay  sadex Degmo   halka  mar dhexe laga  dhigay   lix degmo  Hana  laga  dhigayo   10 Degmo oo u kala qaybsan 6 degmo  oo  hore iyo  4 degmo  oo  cusub  degmooyinkaasi  o kala ah Berbara, Hargaysa, Burco, Borama , Laascaanod, Ceerigaabo, Gabiley, Caynaba Oodweyne Iyo Saylac.”

Dhinaca Kale  Mr Steven Lauwerier  oo ah  u  qaabilsanaha   haayada UNICEF  Somaliland iyo Somaliya  oo  dhankiisa aad ugu   farxsanaa  kulankan   ayaa sheegayn  in  mashruucan  uu yahay  mid  muhiimad u  leh  Somaliland islmarkaana  iyadoo ah   qaran aan wali  la  aqoonsan  hada  ay  ka hir  galeen  waxyaabaha  ay dwladaha caalamka qaarkood aanay  qabsan  isaga oo  aad u  bogaadiyey  mashruucan oo uu  sheegay inaanu  somaliya  xataa  ka hirgalin waxaana uu  sheegay  in  mashruucani  uu  sii  socon  doono.

Mashruucan ayaa  noqonaya kii  ugu  weynaa  ee ka  hirgala  guud ahaanba geeska Africa  iyadoo ilaa hada  shahaadooyinka dhalashada la guddoonsiiyey  1060,000 oo  caruura.

01

Mashruucan  oo  ah   Laba qaybood   oo  kala ah  dhalashada iyo  dhimashada caruurta  iyo waliba  guurka iyo  furniinka ayaan  ilaa hada  aan  gaadhin  qaybtii  labaad  iyadoo  sida ay  madaxdu  sheegeen   dhawaan  la bilaabi  doono qaybta labaad.

Kulankan  oo  u  badnaa mid warbixin ah   ayaa Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada waxaa ku  wehelinaayey   agaasimaha  waaxda   dhalashada ee wasaarada  Maxamed Jibriil  madaxa laanta  diwaangalinta maxamed jaamac Colow iyo  lataliyaha  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Cabdikariin cabdi  aadan.

Halka u qaabilsanaha somaliland  iyo somaliya ee haayada UNICEF mr steven lauwerier  ay  wehelinayeen  madaxa xafiiska somaliland aamina maxmed  iyo madaxa mashruuda bixinta  shahaadooyinka dhalashada .

Shirkan  oo  ahaa  kii   koowaad ee  madaxda  haayada ay  isku  arkaan  wasiirka  Arrimaha Gudaha  Tan iyo  Markii Loo Magacaabay  xilka wasaarada.

Jamal Abdi Muhomed

Spokesman  Somaliland  Ministry Of Interior

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.