UK oo billaabeysa inay muhaajiriinta u tarxiisho Rwanda

LONDON — (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa rajeynaya inay baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee qorshaha ay Britain ugu tarxiileyso dadka magangalyo doonka ah waddanka Rwanda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay kulankooda Talaadadii.

Sunak waxa uu doonaysaa inay kumanaan magangalyo doon ah oo Britain ku yimid doomo yar yar yar uu u wareejiyo Rwanda, balse caqabadaha dhanka sharciga ah ayaa ilaa hadda kahor istaagay in qof loo diro halkaas.

Kadib kulan dhex maray Sunak iyo Kagame oo ka dhacay London, ayaa xafiiska Sunak wuxuu yiri: “Labada hoggaamiye waxay rajaynayeen duullimaadyo u baxaya Rwanda xilliga guga.”

Kahor intaanay wax duullimaad ahi bixin, dawladda Ingiriisku waxay u baahan tahay inay meel mariso sharci cusub oo Sunak rajaynayo inuu u gogol xaaro in dawladdu ay u dirto magangelyo-doonayaasha imanaya Ingiriiska fasax la’aan inay dib ugu noqdaan waddanka ku yaal Bariga Afrika.

Sharciga la doonayo in looga hortago caqabado kale oo dhanka garsoorka ah oo ku wajahan qorshaha ayaa loo qorsheeyay in baarlamaanka laga doodo 15-ka bishan April.