UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Shaxda ugu fiican todobaadka champions league kadib markii la ciyaaray lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions league.

Salaasadii iyo Arbacadii ayaa la ciyaaray kulamada lugta 1-aad iyada oo ay kooxo badan gaadheen guulo muhiim u ah waliba hal lug lasii galeen wareega xia ee tartanka champions League.

Xidhiidhka UEFA ayaa soo xulatay 11-kii xiddig ee qaab ciyaareedka cajiibka ah ka soo bandhigay kulamadii salaasadii iyo Arbacadii la ciayaray ee tartanka champions League.

Xiddigaha ay UEFA soo xulatay ayaa ah xiddigaha sida fiican u ciyaaray kulamadii salaasadi iyo Arbacadii laga ciyaaray tartanka ugu xiisaha badan kubada cagta.

Kooxda chelsea oo garaacday Fc Porto ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig shaxda ugu fiican ee todobaadka champions league.

Kooxda PSG ayaa dhankeeda ku leh xiddigo badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxaha Real Madrid iyo Man City min 2 xiddig ku leeyihiin shaxda ugu fiican champions League.