Kooxda Arsenal oo dib u soo cusboonaysiisay doonistii Wilfried Zaha

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay dib u soo cusboonaysiisay doonista Wilfried Zaha.

Sida ay warinayso Shabakadda ciyaaraha ee 90min kooxda Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysay xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga naadiga Crystal Palace ee Wilfried Zaha.

The Gunners ayaa xiddigan xiiseynaysay labo sano ka hor laakiin Kooxda Palace ayaa iska diiday dalabkii ay markaas ku rabeen oo ahaa 40 milyan oo gini oo u dhiganta 55 milyan oo dollar.

Crystal Palace ayaa u furan inay fasaxdo Zaha xagaagan, maadaama ay garowsadeen inay ku helaan lacag badan 28-sano jirkaan ah inta uu ku bixi lahaa beeca xorta ah.

Illaa iyo hadda lama shaacin qiimaha ay kooxda Arsenal ku doonayso haatan saxiixa Zaha, laakiin waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay miiska saari doonto lacag ka badan 40 milyan oo gini oo ay markii hore ku rabtay xiddiga reer Ivory Coast.