sports -(warsoor)- isku shandheynta ama Isku aadka koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa daqiiqad ka hor la sameeyay waxaana sidii la filayay isku dhacay kooxo waaweyn oo aad isku doonay in ay isku soo baxaan .
Koobka UEFA Champions League oo ay iskugu soo hadheen 8-kooxood oo kaliyah ayaa waxa ay kooxaha iskugu dhaceen qaabkaan : Fc Bayern München Vs Real Madrid , Juventus Vs Fc Barcelona , Borussia Dortmund Vs As Monaco , Atletico Madrid Vs Leicester City .
Kulamada koobkaan ayaa la kala ciyaari doonaa 11-ka & 12-ka bisha Apriil iyo 18-ka & 19-ka isla bisha dambe ee April 2017 . Fiinaalka koobkaan ayaa ka dhici doona 3-da bisha Juun ee sanadkaan magaalada Cardiff ee caasimada dalka Wales .
This post is also available in:
Somali