ISTANBUL – (WARSOOR) – Turkiga ayaa billaabay inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya si ay heshiis uga gaaraan khilaafkii ka dhashay heshiiskii badda ee ay Ethiopia la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.
Waxaa Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ku suggan Masuuliyiin ka socda Ethiopia iyo Soomaaliya.