Turkiga oo damaanad-qaaday waxbarashada ardayda Somaliland ee dalkooda ku sugan, halka 40 shaqaale Nile Academy iyo Qoysaskooda laga saaray Soomaaliya

Ankara – (warsoor) – Dawlada Turkiga ayaa damaanad-qaaday in ardayda reer Somaliland ee dalkooda ku sugan u buuxiyaan baahiyaadkooda waxbarashada, sidoo kale, Saddex dugsi iyo xarun cusbitaal ay maamuli jireen kooxda Nile Academy oo xidhiidh la leh ururka FETO kuna yaala magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maamulkoodii la wareegtay safaarada Turkiga, sida lagu sheegay xogo laga helay ilo dublamaasiyadeed.

ccc(1)

Sida lagu sheegay war shalay wargeyska Andolu Post, ee magaalada Ankara ka soo baxa ayaa intaa raaciyey, in talaabadani soo baxday ka dib markii uu dhamaaday mudadii loo qabtay inay dalka Soomaaliya kaga baxaan hawlwadeenadii ka hawlgeli jiray saddexdaa dugsi iyo cusbitaalka.

Warka lagu baahiyey AA ayaa lagu sheegay in madaxda Soomaaliya xilligan wadaan  talaabooyin ka dhan ah kooxda GULEN oo arrimo argagaxiso hore loola xidhiidhin jiray, uguna dambaysay isku-dey inqilaab ay ka fuliyeen dalka Turkigaye oo Nile Academy ka farcamo.

Amar hore loogu siiyey hawlwadeenada hay’adaha ay maamulaan kooxda GULEN oo Nile Academy qeyb ka tahay inay muddo usbuuc ah kaga baxaan Soomaaliya, oo dhamaaday Sabtidii ayaa la sheegaya dugsi dhexe iyo mid sare oo hablaha iyo dugsi sare iyo cusbitaal ayaa dhamaantood maamulka hawlahoodu hoos imanayaa safaarada Turkiga, laga bilaao shalay, sida dublamaasi magaciisa in la shaaciyo ka gaabsaday  u sheegay Anadolu Agency.

Hawlwadeenadii saddexda dugsi iyo cusbitaalka ee Nile Academy maamuli jireen oo gaadhayey 40 iyo qoysaskooda ayaa la sheegay inay ka baxeen dalka, halka cusbitaalkii ay maamuli jireen la xidhay, qalabkiisiina lagu wareejiyey cusbitaal dawlada Turkigu dhistay.

Kooxda Gulen ayaa lagu eedeeyey olole inay ugu jiraan riditaanka xukuumada Turkiga, isla markaana xubno fikirkooda aaminsan muddo dheer si qarsoodi ah ugu biirayeen dhamaan hay’adaha dalka Turkiga, gaar ahaan Ciidamada, iyo Garsoorka.

Dhinaca kale, dawlada Turkiga ayaa bilowday qorshe ay wax ka qabanayso dhamaan baahiyaadka ardayda ka soo jeeda Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Turkiga ku sugan, waxna ka baran jiray  jaamacadaha ay maamuli jireen kooxda GULEN, ee xukuumadu xidhay, ka dib markii lagu eedeeyey inqilaabkii dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalka Turkiga, sida dublamaasi ka tirsan qunsuliyada Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa u sheegay weriye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan wargeyska DAWAN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.