Tiro Cusub oo Covid19 oo Laga Helay Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Warbixinta maalinlaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa lagu shaaciyey tiro 5 qof ah oo cusub oo laga helay xanuunka Covid19 gaar ahaana gobolka Maroodi-jeex.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalin laha ee la xidhiidha Cudurka Covid_19 ayaa sheegay in 5 Qof oo cusub laga helay xanuunka, taasi oo tirade Dadka uu Xanuunku soo ritay gudaha Somaliland ka dhigaysa 48.

Xanuunka Covid19 ilaa hadda waxaa u dhintay 5 qof, waxaa ka bogsaday 6 qof. Dadka uu xanuunkani ku dhacay ayaa da’doodu u dhaxeysaa 33 ilaa 70 jir.

5 tan qof ee cusub ee maanta laga helay ayaa ah ragg.