Ciidamada Booliska Somaliland oo Si Rasmiya Ula Wareegay Gadiid Qaad lagu qabtay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dimabka buluuga ah ee astaanta u ah gaadiidka booliska ku buufiyey baabuurtii qaadka ay dhawaan ciidamadu qabteen.

Talaabadan ayaa qaadeen ciidamada ayaa la xidhiidh go’aankii ay xukumadda Somaliland soo saartey ee ay ku mamnuucday qaadka in dalka la soo galiyo muddo 25 maalmood.

Taliska Hogaanka Gaadiidka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in Maxakamdu Amar ku bixisay in ay la wareegaan dhamaanba gaadiidkan Ciidanka Boolisku.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa barta ay ku leeyihiin bartaha bulshada ku sheegay sharcinimada gaadiidka dadweynaha ee ay la wareegeen, waxaa lagu qoray sidan: “Ilaahay ayaa mahad iska leh baabuurti ciidanka police ka Somaliland Ku Qabteen qaadkii sharci darada ahaa oo maxkamada Ku wareejisay gaadiidka ciidanka ayaa maanta lagu buufiyay astaant a ciidanka police”.