Tiradda Covid19 ee Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida ay shaacisay wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, kiisaska cusub ee laga helay Arbaca ayaa noqday 8 qof.

8 qof ee xanuunka laga helay oo dhamaantood ah Somalilanders ah ayaa kala ah: 5 rag ah iyo 3 dumar ah oo ay da’doodu u kala dhaxayso sidan:

  1. (20jir ilaa 29jir = 1 qof)
  2. (30jir ilaa 39jir = 6 qof)
  3. (50jir ilaa 59jir = 1 qof)

Guud ahaan tiradda dadka la baadhay ilaa hadda ayaa ah 1003, waxa xanuunkan u dhintay 17 qof, waxaa ilaa hadda ka bugsaday 23 qof.