Imaaraadka oo Qaaday Tallaabo Aqoonsi u ah Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa aqoonsatay Shahaadada Waxbarashada ee Somaliland, iyadoo u diwaangelisay magaca Jamhuuriyada Somaliland.

Bogga ay wasaaradda tacliinta ee dalka Imaraadku leedahay oo lagu soo bandhigo dalalka ay aqoonsan tahay shahaadadooda waxbarasho ayaa lagu xardhay magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxana soo dhaweeyey ardayda ka waxbarata dalka ee doonayey in ay aqoon korosi u taggaan dalka Imaraadka Carabta .

Dalka qalalaasuhu ragaadiyeen ee Soomaaliya ayaan ka mid ahayn 242 oo dawladda Imaraadku Carabtu aqoonsan tahay shahaadadooda waxbarasho

Dawladda Imaaradka Carabta ayaa maalgashi ka wadda Marsadda Calaamiga ah ee Berbera, waxanay qayb ka weyn ka qaadatay duufaanadii ka dhacay xeebaha Somaliland ee Sagar iyo xaaladda hadda taagan ee Covid19 oo ay Somaliland u muujisay gacan walaalnimo .

Link-gan eeg.

https://www.moe.gov.ae/En/EServices/ServiceCard/Equ/Pages/CountriesList.aspx?fbclid=IwAR1vhI3EbTdKG-Tirs7zNfA902kmo83wJHnxRmRoWexYNmoMHZ8HQj8n6Fs