Tirada ka bogsatay Covid-19 ee dalka oo gaartay 559-ruux

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 66 kiisas cusub oo Coronavirus ah.

Meelaha laga helay ayaa kala ah

Somaliland:46

Puntland: 12

Banaadir:  5

Koonfur galbeed: 2

Jubbaland : 1

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka bogsadeen 27 ruux taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 559, halka dhimashadu ay gaartay 87 qof oo maanta ay laba ruux ay geeriyoodeen.

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 2,579 (laba kun shan boqol todobaatan iyo sagaal).

Xigasho: Sonna