Tirada dhimashada cudurka Corona ee Soomaaliya oo sare u kacday

Muqdisho – (WARSOOR) – Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaysa tirada uu so ridanayo cudurka Covid-19 ee dalka Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa muujinaysa in cudurka laga helay 62 qof oo 24 saac ee ugu dambeysay.

Tirada guud ahaan Sooamaliya laga helay cudurka ayaa imika gaartay 390 qof.

Waxaa dhanka kale sii koradhay tirada dhimashada cudurka oo imika mareysay 18 qof ka dib markii ay 24 saac ee ugu dambeysay ay dhinteen 2 qof.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in tirada dadka ka soo bogsaday cudurka ay imika gaarayso 10 qof.

21 bishan ayay ahayd markii Soomaaliya ay tiradii ugu badnayd ugu dhimatay cudurka taasi oo ahayd 6 qof oo hal maalin dhimatay.

Dalka Kenya ayaa waxay dowldda kordhisay waqtiga bandowga oo lagu daray 21 maalmood oo kale.

Kenya tirada ilaa iyo imika la xaqiijiyay in uu cudurka ku dhacay ayaa dhan 336.

Kenya waxaa Covid-19 ugu dhintay dad gaaraya 14 qof halka 94 ay ka soo kabsadeen.

Dalka Jabuuti oo ah dalka tirada ugu badan uu cudurka soo ritay gobolka ayaa waxay tirada kor u dhaaftay 1000 qof, waxaan cudurka u dhimatay ilaa iyo imika 2 qof.

Dalka Itoobiya waxaa ay tirada kor u dhaaftay 122 qof halka dhimashada ay mareyso 3 qof.