Sheekh Shariif oo war kasoo saaray xiisaddii Muqdisho laba arrina ka dalbaday DF

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilkii uu askariga ka tirsan booliska Soomaaliya xalay u geystay dadkii rayidka ahaa iyo rabshadihii ka dhashay.

Shariif Sheekh ayaa aad u cabmaareeyey dhacdadii lagu dilay labada qof ee shacabka ahaa, isagoo dowladda ka dalbaday laba arrin oo kala ah 1: In cadaaladda la hor keeno askarigii iyo cidii amarkaas soo siisayba, iyo 2: In wax laga beddelo saacadaha bandowga Muqdisho.

“Waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii labada marxuum. “Waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.”

Dhanica kale, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in dib loo dhigo waqtiga bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyo 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino, halka uu hadda yahay 8:00 habeenimo.

“Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore”ayuu yiri.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dib loo beddelay saacadda uu billaabanayo bandowga Muqdisho, oo laga dhigay 8-da habeennimo, halka markii hore uu ahaa 7-da habeenimo.

Bandowga oo markii horeba ahaa 8-da habeenimo ayaa laga dhigay 7-da kadib bilowga bisha Ramadan, taasi oo horseeday in shacab badan ay ka dhiidhiyaan, ayada oo maanta Muqdisho ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata.

Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha Booliska in la hayo askarigii dilka u geystay labadii qof ee shacabka ahaa, isla markaana xilka laga qaaday Taliyihii uu hoos tegay ee degmada Boondheere, isagoo balan qaaday in askarigii hadda kadib dhib u geysta dad shacab ah lala xisaabtami doono isaga iyo taliyihiisaba.

Xigasho: Caasimada