Tirada Dadka Laga Helay Cudurka Coronavirus Ee Somaliland oo Gaadhay 203 Qof

Hargeysa – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jmahuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 35 qof laga helay xannuunka karoona fayras 24 saacadood ee u dambeeyey.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha caafimaadku isagoo warbixintii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada Somaliland waxa uu cadeeyey in 24 saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyey 90 qof, isla markaana ay baadhitaankaas ku ogaadeen 35 qof inuu haleelay xannuunka karoona fayras, taas oo tirada guud ee xannuunkaas laga helay Somaliland ka dhigaysa 203 qof, basle agaasimuhu muu sheegay wax dhimasho ah oo xannuunkaas u dhintay 24 saacadood ee u dambeeyey.

Wuxuuna agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku sheegay in dadkaas xannuunka laga helay ay ku kala sugan yihiin gobollada dalka, iyadoo magaalada Boorama ay ku sugan yihiin 14 qof, halka 8 qof ay joogaan magaalada Burco, 8 kalena ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, sidoo kale magaalada Berbera laga helay 2 qof, waxa kale oo 2 qof laga helay Laascaanood, iyadoo 1 qof laga xaqiijiyey magaalada Alley baday ee gobolka Gabiley, isagoo agaasimuhu intaas ku daray in ay dadkaas ka kooban yihiin 24 rag ah iyo 11 dumar ah isla markaana da’adoodu u dhaxayso 10 jir ilaa 90 jir.

Waxa kale, oo uu agaasimaha caafimaadku Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, sheegay in ay goobaha karantiinka ku jiraan 94 qof, wuxuuna agaasimuhu bulshada u soo jeediyey inay qaataan fariimaha wacyigelinta ah, isagoo tilmaamay in warbixintan maalinlaha ah ay ujeedadeedu tahay in bulshada laga wacyigaliyo khatarta xannuunka koofidh-19 iyo halka uu dalka ka marayo.