Tartan Kubadda Cagta ee Sanadlaha oo Lagu Soo Gabagabeey Jarmalka

Magaalada Munich Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka waxa lagu soo gabagabeeyey tartan dhinaca kubbada cagta ah oo sannadkiiba hal mar la qabto, kaas oo loogu magac daray koobka Xagaaga.

Tartankan oo ay soo qaban-qaabisay Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Bayern waxa loo qabtaa sidii ay isku dhex-gali lahaayeen dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool gobolkaasi.

Gabagabadiisii waxa ka soo qayb-galay Guddoomoyaha Jaaliyadda Somaliland ee Gobolkaasi Cabdirisaaq Feedho iyo masuuliyiin kale oo ka socday xisbiyada qaranka iyo jaaliyada somaliland ee gobolka Bayern, iyadoo halkaasi koob lagu gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay tartankaasi.