Taliye Ku-xigeenka Ciidamadda Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Ciidamado Liyuu Boolis ah oo ay Soo Qabteen

Hargeysa – (warsoor) – Taliye Ku-xigeenka Ciidamadda Booliska oo Sabtidan shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa ka warbixiyey ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska maamul goboleedka Soomaalida Itoobiya oo laga qabtay gudaha Somaliland.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadda Liyuu Boolisku ay iyagoo tiradoodu dhan yihiin 8 askari ay gudaha u soo galeen xadka Somaliland isagoo taliyuhu ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Shalay oo ay bishu 25 ahayd, 7 subaxnimo ayaa ciidan ka tirsan Liyuu Booliska oo nin Kabtani wato oo tiradoodu dhamayd sideed oo gaadhi laankuruusal  ah watta ay soo galeen xadka, iyagoo xawaare dheer ku soo galay”.

taliye-fooxle

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada degmadda Faraweyne ay soo wargaliyeeen ciidamaduna ay hawl-gal ka sameeyeen dhamaantoodna ay gacanta ku soo dhigeen.

Taliye Fooxdle ayaa sheegay in askartan Liyuu Booliska ka tirsan loogu keenay magaaladda Hargeysa, haddana ay ku xidhan yihiin xarunta CID-da ee magaaladda Hargeysa.

Taliye Fooxle ayaa sheegay in Safaaradda Itoobiya ay ka wadda hadleen arinta ciidamadan ku soo xad-gudbay ka dibna meel la isla dhigay khaladka ay ku kaceen, waxaana markii dambe ay xukuumaddu go’aan ku gaadhay in la sii daayo, waxaana loo gudbiyey xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.