Taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo digniin u jeediyey Ciidamadda Xooga Dalka

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha ciidamadda xooga Dalka Soomaaliya oo ka hadlayey Shir Jaraa’id oo ay xalay wada qabteen taliyayaasha ciidamadda iyo Wasiirka Amniga ayaa Fariin adag u diray ciidamadda Xooga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa ciidamadda Millitariga ku amray in aysan Magaaladda Soo gelin ayagoo aanan heysan warqad Fasax ah oo u ogolaaneyso in ay gudaha magaalada Muqdisho ku wataan Gadiidka iyo hubka Ciidanka Xooga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabto Magaalada dhaxdeeda ayadoo fasax la’aan la dhax marayso gadiidka iyo hubka Ciidanka Xooga Dalka in ay danbiile tahay isla markaana la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay.

Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa maalmahaan ka yaraaday Gadiidkiii ciidanka ee sida aadka ah u isticmaali jiray Wadooyinka Muqdisho , waxaana magaalada laga dareemayaa xasilooni iyo daganaan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.