Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Interpol

Muqdisho – (WARSOOR) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ayaa kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock.

“Waxaan Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska oo aan safar shaqo ku joogno kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock, annagoo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya CBS iyo Interpol ee ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.