Taliska Xoogga Dalka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Howlgalkii Tooratoorow

Muqdisho – (warsoor) – War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay Xalay ka fuliyeen deegaano hoostaga Tuulada Tooratooroow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in 04:00Am Saacadda Geeska Afrika ay Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya howlgal qorsheysan ku fuliyeen Saldhig ay Maleeshiyaadka Al-shabab Deegaanka Toorotooroow.

hawgal-ciidan

“Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw holgal qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda Al-shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Uguyeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen’. Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka intii ay ciidanada ku gudajireen ay ku qaarajiyeen horjoogeyaal iyo malleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugnaa saldhigga la burburriyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo shalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in la wiiqay awooddii kooxdaasi, maantana Magaalooyin ay nabad ku joogeen horjoogayaasha Al-shabaab ay soo wajahday cabsi weyn oo kaga timid howlgallada Qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.