Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-demiska oo Imtixaam Ka Qaaday Ciidanka Dab_demiska Cusub Ee Degmada Wajaale

Hargeysa – (warsoor) – Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-demiska oo Imtixaam Ka Qaaday Ciidanka Cusub Ee Degmada Wajaale, imtixaamkaas oo lagaga qaaday Xarunta Guud ee Ciidanka Dab-demiska ee Magaalada Hargeysa.

Maamulka Ciidanka Dab-demiska ayaa maanta imtixaam ka qaaday Ciidanka cusub ee Ciidanka Dab-demiska Degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley.imtixaamkan oo ka koobnaa dhawr qaybood ayaa waxaa ka mid ahaa imtixaam dhanka Miisaanka iyo dhererka ah,Imtixaam Qoraal ah iyo Imtixaam ah qofku sida uu gali lahaa dabka.

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo ka sheekeeyay Qaabka imtixaamka loo qaadayo isagoo Agaasimuhu sheegay in imtixaamka loo qaadi doono qaab cadaalada isla markaana qof kastaaba ku soo bixi doono aqoontiisa iyo kartidiisa.

Sidoo kale Suldaan Axmed Daahir Xaaji Muuse ayaa isna dhankiisa ka hadlay imtixaamkan cusub ee maanta lagu kala saaray Ciidanka Dab-demiska cusub  ee Degmada Wajaale waxaana uu Suldaanku sheegay in Maamulku si caddaalad iyo sinaan ah loogu kala saari doono dhamaan ciidankaasi,dhanka kale suldaanku wuxuu tilmamay in magaalooyinka kale ee Burco iyo Booramana sidan oo kale looga qaadi doono imtixaamkaas oo kale.

Ugu dambayn Taliyaha Guud Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Axmed Maxamed Xasan Ibraahim [Sawaaxili] ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsnayahay in imtixaam cadaallada lagu kala saaray dhamaan xubnaha soo codsaday waxaana taliyuhu sheegay in Ciidanka Dab-demisku markastaba tixgeliyo aqoonta waxaana taliyuhu fariin u diray gobalada kale sidan oo kalena imtixaam looga qaadi doono dhamaantood.

Gabagabadii waxaa soo codsaday ka mid ahaanshaha Ciidanka Dab-demiska Degmada Wajaale 74 Xubnood,waxaana soo baxay imtixaamka Qaybtiisa Koowaad 24 Xubnood halka laga doonayo guud ahaan 15 Xubnood,waxaana xusid mudan in imtixaankaas qaybtiisa koowaad oo ahayd Imtixaamka Miisanka iyo imtixaan Qoraala ay si cadaallada ay ugu kala baxeen dhamaan xubnahaasi.

Xafiiska Xidhiihdka Dadweynaha Iyo Saxaafada Ee Dab_demsika.

Hargeysa/Somaliland.

Hargeisafire@gmail.com Hargeisafire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.