Musharax Cirro Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Barlamaanka Dalka Iswiidhan Iyo Nuxur Uu Daaranaa Kullan Dhexmaray

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNI Dr C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa maanta Xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa ku qaabilay wefti culus oo ka socda baarlamaanka dalka iswiidhan, kuwaas oo uu hoggaaminayo. Mr.Arhe Ahmed-naga oo ka tirsan barlamaanka dalkaasi.

 

Masuuliyiinta Xisbi Mucaaradka WADDANI oo uu hoggaaminayo Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro ayaa xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay Magaalada Hargeysa maanta ku qaabilay weftiga ka socda baarlamaanka dalka Iswiidhan, iyadoo halkaasi uu ku dhexmaray kullan is xogwaraysi ah.

Dhanka kalena Weftigan ka socda baarlamaanka dalka iswiidhan iyo hoggaanka Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo musharax Cirro ayaa ka wadda haddla arrimaha doorashooyinka fooda inagu soo haya ee la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka hadda curanaya horaantiisa 2017 iyo sidii loo xoogayn lahaa dimuqraadiyada Somaliland ee loo horumarin lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu dalka iswiidhan kaalmaha hore kaga jiro dalalka somalilamd ka taageera dhanka dhaqaalaha doorashooyinka.

Ugu damayntii Kullan xurunta Xisbiga WADDANI weftiga ka socda baarlamaanka dalka iswiidhan ee uu hoggaaminayey Mr.Arhe Ahmed-naga iyo masuuliyiinta Xisibiga WADDANI ee uu hormoodka u ahaa Musharax Dr C/raxmaan Cirro ayaa ku soo dhammaaday jawi is afahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.