Taalibaan oo isbaheysi maalgashi la sameysatay saddex dal

KABUL — (WARSOOR) – Ku-simaha wasiirka ganacsiga ayaa Arbacadii sheegay in maamulka Taalibaan ee Afghanistan ka dhisan ay isbaheysi la sameeyeen shirkado ay ku mideysan yihiin Ruushka, Iran iyo Pakistan, si ay u dejiyaan qorshe maalgashi oo diiradda lagu saarayo tamarta, macdanta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Noordin Azizi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dalladan ay ku jiraan 14 ganacsato Afghanistaan ah, wasaaraddiisuna ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay shirkado shisheeye kuwaas oo wufuud u soo diri doona Kabul, si ay ugala hadlaan mashaariic ku kacaya ilaa 1 bilyan oo dollar.

Dhaqaalaha Afghanistan ayaa si aad ah u wiiqmay tan iyo markii Taliban ay la wareegeen 2021, taasoo keentay in beesha caalamka ay joojiso inta badan maalgelinta mashaariicda horumarinta ayna kusoo rogaan cunaqabateyn qaybta bangiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Taliban uu qorsheynayo inuu xoogga saarayo sidii loo dhisi lahaa goobo dhaqaale oo gaar ah, kuwaas oo uu rajeynayo inay soo jiitaan maalgashi shisheeye.

Shixnadaha saliidda, gaaska iyo sarreenka oo ah heshiis weyn oo Taalibaan la gashay Ruushka sannadkii hore ayaa imaatinkoodu billowday, kuwaas oo ku imaanaya Afgahanistan waddada tareenka dhex mara bartamaha Aasiya, sida uu sheegay ku simaha wasiirka ganacsiga Taalibaan.

Waxa uu sheegay in lagacaha ay kusoo iibsadeen shixnadahaas ay dhex mareen bangiyada, inkasta oo cunaqabateyntu xaddiday lacago badan oo caalami ah. Ma uusan faahfaafin bangiyada ay isticmaaleen.