Maraykanka oo u magcaabay Ajay Banga, guddoomiyaha Bangiga Adduunka

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii u magcaabay maamulihii hore ee shirkadda Mastercard Ajay Banga inuu hogaamiyo Bangiga Adduunka, isaga oo eegaya khibradda uu Ajay Banga u leeyahay ganacsiga iyo weliba dhibaatooyinka dhaqaale ee dunida ka jira.

Magcaabistan ayaa timi, ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo David Malpass oo haatan aha maamulaha Bangiga Adduunka, waxaana hore u magcaabay madaxweynihii hore ee Donald Trump. Malpass ayaa xilkiisu ku egyahay bisha April ee sannadka 2024, hase ahaatee haatan wuxuu sheegay inuu xafiiska ka tegayo bisha June ee foodda innagu soo haysa.

Banga ayaa hoggaamin doona bangiga adduunka oo ay xubno ka yihiin illaa 189 dal, waxaana ujeedada loo aasaasay ay ahayd inuu hoos u dhigo, saboolnimada adduunka.

Arrimaha mudnaanta koowaad u leh Maraykanka, lagana filayo inuu maamulaha cusubi wax ka qabto ayay ka mid tahay, inuu mudnaan gaar ah siiyo, wax ka qabashada isbedellada cimilada.

Banga ayaa haatan ah guddoomiye ku xigeenka shirkad gaar ah oo maaliyadeed oo lagu magcaabo General Atlantic.

Xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in waayo aragnimada Banga inay ka caawin doonto Bangiga Adduunka, inuu gaadho himilooyinka uu wax kaga qabanayo saboolnimada daran ee dunida ka jirta.

Dhaqan ahaan, Maraykanka ayaa magcaaba qofka hoggaaminaya Bangiga Adduunka, halka Midawga Yurub ay magcaabaan qofka hoggaaminaya hay’adda lacagta adduunka ee IMF.