Soomaaliya oo shaacisay 81 kiis oo cusub oo Coronavirus ah

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tiro cusub oo ah dad uu ku dhacay cudurka COVID-19, 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana laga helay cudurka 81 qof.

Sida ay wasaaradda sheegtay goobaha kiisaskan laga diiwaangiyey ayaa kala ah:

Benadir: 44
Jubaland: 24
Somaliland: 5
Puntland: 6
Hirshabelle: 2

Bukaannda cusub ee la shaaciyey ayaa 50 waxay yihiin rag halka 31-na ay yihiin haween, sida ay wasaaraddu sheegtay.

5 qof ayaa sidoo kale ka boqsootay cudurka, mana jiro bukaan u geeriyooday 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda.

Tirada guud ee laga helay ayaa ah 1170, waxa bogsaday 126, dhimasho cusub lama soo sheegin, waxayna taagan tahay 52.

XIGASHO: VOA SOMALI