Soomaaliya oo billowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda

MUQDISHO – (WARSOOR) -Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda laga baadhayo.

Wasiir ku-xigeenka batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa ku qoray bartiisa twitter-ka in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaal Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qorshahan tartanka liisan bixinta ayaa socon doona ilaa Maarso 2021.