Hargeysa – (warsoor) – Hawl-gal ay maanta ciidamada laanta Socdaalka Somaliland sameeyey waxay gacanta ku soo dhigeen 20 qof oo shaqaynaayey samaynta baasaboorka Soomaaliya oo magaaladda Hargeysa lagu dhex samaynaayey.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland gashaanle sare Maxamed Cismaan Caalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Laanta socdaalka ayaa soo bandhigay 20 qof oo iskugu jiray rag iyo haween iyo qalabkii ay ku shaqaynayeen oo ka koobnaa kombuyuutaro, kamarado iyo printero iyo waraaqaha baasabooradda.
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa sheegay in ciidanka laanta socdaalku ay mudooyin dambe ku daba joogeen, gacanta ay ku soo dhigeen maanta dadkan la soo qabteen. Taliyaha ayaa sheegay inay ka soo qabteen hudheel ku yaala bariga magaaladda Hargeysa.
Taliyaha la’aanta socdaalka Somaliland ayaa u digay dadka qaata baasabooradda lagu sameeyo xuduudaha Somaliland waxaanu sheegay in dhamaan madaaradda iyo kaantarooladda magaaladda laga soo galay la faray inay qabtaan dadka ku safarahaya baasabooradda xadka Somaliland lagu sameeyey.
Ugu dambayn Taliye Maxamed Cismaan Caalin ayaa sheegay in ay baadhitaan ku waddan dadkan la soo qaybtay wixii ka soo baxana ay gadaal ka soo sheegi doonaan.
This post is also available in:
Somali