Somaliland oo Kiisas Cusub oo Koofidh19 La helay 24 Saacadood ee u dambeeyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida ay shaacisay wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland waxa maanta kiisas cusub laga helay dad isku jira muwaadinin iyo ajaanib.

24 Saacadood ee u dambeeyey waxa la baadhay 80 qof, waxaan xanuunka laga helay 26 qof oo 22 qof ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Somaliland halka 4 qofna ay yihiin Hindi.

Bukaanada la baadhay 19 qof waa rag, halka 7 kalena ay yihiin dumar.

Dadkan xanuunkan laga helay ayaa da’doodu u dhaxaysaa sidan:

  • 10 – 19 jir = 2 qof
  • 20 – 29 jir = 9 Qof
  • 30 – 39 jir = 7 Qof
  • 40 – 49 jir = 6 qof
  • 50 – 59 jir = 1 qof
  • 60 – 69 jir = 1 qof

Buukanada ayaa kala jooga Hargeysa oo 13 qof ah, Boorama oo 7 qof ah iyo Berbera oo 6 qof ah.

Xanuunkan waxaa ka bogsaday 24 saacadood ee u dambeeyey 5 qof. Guud ahaan dadka ka bugsaday xanuunka ayaa dhan 48 qof.