Somaliland Iyo Dowlad Deegaanka Soomalida Ethopia Oo Isku Afgartay In Kalluunka JSL Laga Faaiidaysto

Hargeysa – (Warsoor) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland Marwo: Yurub Abiib Cabdi, ayaa ka warbixisay Carwada Kalluunka oo wefti ka socda Somaliland ay kaga qaybgaleen Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, ayaa sheegtay in masuuliyiintii ka socday Somaliland iyo Hayโ€™adaha ka caawiya dhinaca Kalluunka ay Carwadaasi ku soo bandhigeen Fursadaha ganacsi ee Kalluunka ee ka jira Somaliland iyo sidii looga faaโ€™iidaysan lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in ay masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kala hadleen sidii Kalluunka Somaliland loogu iib geyn lahaa deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyaga dhankoodana ay jirto baahi weyn oo ay u qabaan helida Kalluunka dalkeena, waxayna u mahadnaqday Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiintii kale ee ku soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga.