Madaxweynaha JSL Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Hargeysa – (WARSOOR) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa dalka dib ugu soo laabtay, iyaga oo ka soo gudbay xudduuda Lawyo-caddo ee ay wadaagaan labada dal.

Sida uu ku soo waramayo wariye Ridwaan caydiid oo noola socda weftigaas, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa ka soo galbiyey dhinaca dalka Jabuuti, xubno ka tirsan golaha wasiirrada dalkaasi iyo taliyaha guud ee ciidanka booliska Jabuuti, iyaga oo weftigu u soo gudbay dhanka Somaliland.

Waxa halkaas ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka booliska Jabuuti, oo sheegay in isu socodka labada xadka ee labada dal uu furan yahay, wuxuuna xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin dhankooda isu socodka labada dhinac.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, maamulka gobolka Salel, ka degmada Saylac, madax-dhaqameed, Haween, dhallinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ruxayey calanka Somaliland iyo caleemo qoyan wuxuuna madaweynuhu salaan sharaf ka qaatay curub ka tirsan ciidanka Somaliland.

madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynihii soo dhaweeyey ayaa u sheegay in ay madaxweyaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isu socodka labada bulsho ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu cadeeyey in ay go’aan ka wada gaadheen dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, in si rasmi ah loo furo isu socodka labada bulsho ee iskaga gudbaya xudduuda ay wadaagaan labada dal, oo wakhtigaas uu madaxweynuhu la hadlayey dadweynaha soo dhaweynayey si rasmi ah loo furay.

Mdaxweyanuhu waxa uu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo hay’adda waddooyinka ee Somaliland oo gacanta ku haya waddada isku xidhi doonta Boorama iyo Lawyo-caddo, oo uu kula dardaarmay in ay ku dhakhsadaan dhameystirka waddadaas.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa safarkooda shaqo ku soo mari doona gobollada galbeedka Somaliland, iyaga oo u kuurgali doona xaalada guud ee ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyaduba, kulamo kala duwanna la yeelan doona mas’uuliyiinta deegaannadaas ay safarka ku marayaan.