Somaliland: Digniin Adag oo la Dul-dhigay Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawladda ee u Taagan Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Shirkii golaha wasiiradda ee maalintii doraad oo uu shir-guddoominyay madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu go’aamiyay in aan la ogoleyn shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyaga oo ku gudda jira shaqada au Qaranka u hayaan in  ay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo, ee hankooda ku aadan golayaasha degaanka iyo wakiillada.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in ciddi ka qayb galaysa ololaha doorashooyinka wakiillada iyo degaanka ay baneeyaan xilalka ay Qaranka u hayaan.

Go’aanka lagu mabnuucay muujinta iyo dhaqdhaqaaqa doorashooyinka ee shaqaalaha iyo ciidamada Qaranka ayaa u dhigna sidan. “Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinku.

Waxaa uu  goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan”