Wasiirka Madaxtooyadda oo Sheegay in Xaaladda Gobolka Togdheer ay Dagan tahay

Hargeysa – (warsoor) – Wefti uu hogaaminaayey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku joogay gobolka Togdheer ayaa soo indho indheeyey xaaladda uu gobolkaasi ku sugan yahay ee la xidhiidha shuban biyoodka dalka ka dilaacay.

Wasiirka madaxtooyadda oo ka mid ah weftigi gudoomiyaha ayaa ka hadlay xaaladda dalka waxaanu yidhi, “Waxaannu maanta booqasho hawleed oo rasmi ah ku nimid xarunta gobolka Togdheer ee Burco, wefti balaadhan oo ka kooban xubno wasiiro ah, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyo gudoomiye ku xigeenka, Wasiiradana ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiirka Maaliyada, iyo wasiiru dawlaha ganacsiga”.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlay ujeedada safarkooda ayaa yidhi, “Weftigaas ujeedadiisu waxay ahayd gurmad ku aadan xaalada gobolka Togdheer ka jirtay maalmahan iyo xanuunka, waxaannu halkan u nimid gurmad iyo gargaar, annaga oo taas ka duulayna waxaannu caawa shir la yeelanay madaxdii kala duwanayd gaar ahaan hawl-wadeenada wasaarada caafimaadka, dhakhaatiirkii, aqoonyahanadii oo uu wasiirku hor-kacayo, maamulkii gobolka, golahadii deegaanka uu duqa magaaladu kor kacayo, shir weyn oo qiimo badan ayuu ahaa, shirkaa waa laysku xogwaraystay, waxana laga hadlay xaalada iyo heerka uu xanuunkani ka marayo gobolka, waxa layska waraystay talaabooyinka inala gudboon inaynu qaadno wakhtigan dhaw iyo wakhtiga fog labadaba, waxyaabahaas oo dhan shirkaa caawaa lagu kala bogtay talooyin iyo go’aamo aad u loxdan ayaana ka soo baxay dhamaantoodna hadii Alle ka dhigo beri ayaanu baahin doonaa. Xaalada gobolka Togdheer waa xaalad degan, oo aan maanta ahayn mid khatar ah ama lagga werwero, waxay u baahan tahay xakamayn, daaweyn iyo wacyi galin, xukuumad ahaana taas ayaanu wadnaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.