Shirkadda Telesom oo Ku Guulaysatay Shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda Telesom ayaa ku guulaysatay shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay sidan:

Waxa Telesom sharaf u ah in ay ku guulaysatay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka “Information Security Management System” iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.